Al-shabaab iyo Ciidamadda Dowladda oo Ku Dagaalamay Afgooye

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab oo xalay ka dhacay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Buundada yar ee degmada Afgooye, halkaas oo  ay ku sugnaayeen ciidamadda Dowladda Soomaaliya,waxaana ka dhacay dagaal saacado socday.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ka dhacay degmadda Afgooye ee Goolka Shabeelaha Hoose,waxaan ku dhintay 1-ruux mid kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray.

Ma jiro wax war ah oo ilaa haatan kasoo baxay Maamulka Degmadda afgooye oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Degmadda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here