Maamulka Jubbland ayaa baaq u direy Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbland Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay ka Jubbland ahaan ay soo dhaweynayaan Madaxweynaha la doortay Xasan Shiikh Maxamuud.
Waxa uu sheegay in ay ka rajeynayaan in uu xaliyo arinta Gobolka Gedo oo ka maqan Gacanta Maamulka Jubbland,islamarkaana sanadihii dambe ay maamulaysay Dowladda Federaalka.
“Ciidamada qaranka in qaar halkaasi lagu dhaafo, qaarkii sharci la’aanta lagu keenayna meesha laga saaro maamul ay dadka ogol yihiin-na loo dhiso sidaa la ajligeed Gedo-na ay ku soo noqoto sharciyadii Jubaland sidaa ayaa noo qorsheysan” ayuu intaa ku daray.
“Madaxwayne Xasan Sheekh wuxuu wadanka soo xukumayay 2012 ilaa 2017-kii uu gaarsiiyay heer doorasho oo si xor ah ayuu xukunka ku wareejiyay sidaasi darteed waa nin nabad doon ah, waa nin og dhibaatada ka jirta Soomaaliya waxaan is leenahay khilaafaadkii iyo boogihii hore waxaan u aragnaa in uu tallaabo qaadi doono,” ayuu intaa ku daray.

