RW Abiy Ahmed oo Ka Hadlay Doorashadda Xasan Sheekh Maxamuud

0

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa u hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay mar kale Baarlamaanka Soomaaliya u doortay madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan rajaynayaa inaan si dhow uga wada shaqeeynno danaha guud ee labada dal iyo kuwa gobolka”. ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku yiri bayaan uu soo saaray.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah ee soo socota kadib doorasho qaadatay in ka badan 10 saac oo ka dhacday Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ah madaxweynihii kursiga ku fadhiyey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here