Dowladda Ingiriiska oo Taageero u Muujisay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweysay Doorashadda uu ku guuleystay Xasan Shiikh Maxamuud taasi oo xalay ka dhacday magaaladda muqdisho.

Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford, oo qoraal soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa u hambalyeeysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxay sheegtay in dowladda UK ay kala shaqeyn doonto madaxweynaha cusub saddex arrimood oo ay kamid yihiin dadaallada ku aadan xoojinta amniga, la dagaallanka Shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ka taagan Soomaaliya.

“Hambalyo Xasan Sheek Maxamuud, oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya UK waxay rajeyneyaa inay sii waddo shaqada wada shaqeynta dhow ee ay Soomaalida uga taageereyso dhismaha xasilloonida, la dagaallanka Al-shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ba’an” ayay qoraalkan ku tiri Vicky Ford wasiirka arrimaha Africa ee UK.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here