Xasan Shiikh oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya

0

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa hoygiisa ku qaabilay Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa ku saabsanaa is xog wareysi xaalada dalka iyo doorashada Madaxweynaha, iyadoo la rumeysan yahay In Koofur Galbeed ay ka mid tahay go’aamiyeyaasha ugu weyn ee doorashada Madaxweynaha.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday xaaladihii u danbeeyay ee dalka iyo sidii Lafta-Gareen uu kaalin ugu yeelan karo dadaalada uu Xasan Sheekh ugu jiro in mar kale loo doorto madaxweynaha Afarta sano ee soo socota, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn mowqifka madaxweynaha koofur galbeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here