Wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumada federalka Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala ayaa ka tanaasulay u tartamida kursiga #HOP069.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Kursiga HOP069 uu ugu tanasulay C/raxmaan Odowaa oo afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursigan.
“Waxaan halkan ugu hambalyeynayaa Adeerkey Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo noqonaya xildhibaanka i matali doonaafarta sano ee soo socota Inshalah,”ayuu ku yiri qoraalkiisa C/maan Alcadaala oo aan sheegin sababta rasmiga ah ee uu u tanaasulay.


