Guddiga Dorashooyinka Heer Federaal oo dib U fasaxay Doorashadda Kuraas la Hakiyay

0

Guddiga Hirgalinta Dorashooyinka Heer Federaal ayaa dib u fasaxay Doorashada 3 kursi oo tirsigoodu kalayahay HOP#010 HOP#030 HOP#066 ee deegaan doorashadoodu ay tahay Magaaladda Baladwayne ee Gobolka Hiiraan, maantana la qabanayo doorashada kuraastaasi.

Afhayeenka Guddiga doorashada mudane Axmed Safiino ayaa sidaasi ku faahfaahiyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Guddiga doorashada Axmed Safiino madaama uu khilaaf ka jirey Magaaladda Beledweyne,sidaas ay u hakiyeen,balse markii ay fasaxeen kadib markii xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa Magaladaas.

Doorashadda kuraastaan ayaa maanta lagu qabanayaa Magaaladda Baladweyne,waxaana mid kamid ah ku tartamaya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow afartii sano aynu soo dhaafnay ku fadhiyay kursiga uu u tartamayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here