Guddiga Hirgalinta doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay qabashada doorashadda afar kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashadda afarta kursi lagu qabanaayo Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
“Guddiga hirgelinta doorashada KGS SEIT waxa uu shaacinayaan qaar ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay KGS Baydhabo Kuwaas oo doorashadoodu laqabandoono isbuucan”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.


