Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu qabanayaa doorashadda lix kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kuraasta maanta doorashadooda la qabanaayo ayaa kala ah HOP#006 HOP#022 HOP#003 HOP#032 HOP#252 HOP#068.
Guddiga doorashooyinka Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in doorashadda kuraastaan oo lagu waday in la qabto maalintii shalay aheyd la qorsheeyay in la qabto maanta oo axad ah.
Xubnaha maanta kuraasta u tartamaya waxaa kamid ah afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo dhawaan ku dhaawacmay qarax ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

