Doorashadda Lix Kursi oo Golaha Shacabka oo Ka Dhacaysa Beledweyne

0

Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu qabanayaa doorashadda lix kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta maanta doorashadooda la qabanaayo ayaa kala ah  HOP#006  HOP#022  HOP#003  HOP#032  HOP#252 HOP#068.

Guddiga doorashooyinka Maamulka Hir-shabeelle  ayaa sheegay in doorashadda kuraastaan oo lagu waday in la qabto maalintii shalay aheyd la qorsheeyay in la qabto maanta oo axad ah.

Xubnaha maanta kuraasta u tartamaya waxaa kamid ah afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo dhawaan ku dhaawacmay qarax ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here