Macalinka kooxda Sevilla Unai Emery ayaa kasoo horjeystay in ciyaarta Finalka koobka boqorka dalka Spain lagu marti galiyo garoonka Camp Nou. Oo Barcelona ay ku ciyaarto xiligaan.
Unai Emery oo saxaafada la hadlay maanta oo jimco ah ayaa sheegay in kooxda Sevilla aysan marna ogolaan doonin in garoonka Camp Nou lagu marti galiyo ciyaarta Finalka isagoona ka codsaday xiriirka in ciyaartaas lagu marti galiyo dalka Chine.
Kooxda Sevilla ayaa dhawaan celcelis ahaan kaga adkaatay kooxda Celta Vigo 6:2 iyadoona ciyaari doonta finalkii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 2010-kii oo ay xiligaas ku guuleysatay koobka boqorka dalka Spain.

