Yuto Nagatomo:- Waxaan iska diiday kooxda Manchester United

0

Daafaca kooxda Inter Milan Yuto Nagatomo ayaa sheegay in uu iska diiday kooxda Manchester United isagoona sheegay in uu noloshiisa ay ku qanacsan tahay kooxda Inter Milan.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Japan oo 29-sano jir ah ayaa garoonka san siro yimaaday sanadkii 2011-kii waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in uu ka dhaqaaqi doono kooxda Inter Milan iyo Horyaalka dalka Talyaaniga.

“waxaan doonayaan in aan halkaan sii joogo hadaan iska diiday xitaa kooxda Manchester United waxaan sii joogi doonaa dalka talyaaniga ayuu u sheegay Inter Channel..

Waxaan ku faraxsanahay kooxda Inter Milan waxaan joogay mudo gaareysa 5-sano waxaan jeclahay cimilada dalka Talyaaniga iyo saaxibada ay ku leeyahay dalka Talyaaniga ayuu hadalkiisa ku daray Yuto Nagatomo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here