Guddiga doorashooyinka Gobolka Woqooyi ee Maamulka Somaliland ayaa maanta soo gaba-gabeynaya doorashadda Xildhibaanadda Golaha shacabka ee ka imaanaya Somaliland.
Doorashadda oo ka dhacaysa xarunta Jeneraal Kaahiye,ayaa si weyn loo adkeeyay amnigeeda.
3-kursi oo ah kuraasta ugu dambeysa ee xildhibaanadda Somaliland ka imaanaya ayaa maanta lagu dooranayaa,waxayna tiradda sidaas ku noqonaysaa 46-xubnood.
Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland ayaa noqonaya guddigii ugu horeeya ee soo gaba-gabeeya doorashadda Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

