Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda muqdisho.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday afafka hore ee garaashka EVECO ee degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal, qaraxa ayaa yaalay goobta waxaana inta badan goobta fadhiisan jirey ciidamadda Minishiibiyadda Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo qaaday canshuurta Dowladda hoose.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay magaaladda muqdisho,waxaana goobta ku sugan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

