Guddiga Hirgalinta doorashooyinka Heer federal ayaa mar kale ku celiyay in la hakiyay doorashadda kursiga Hop-086 uu doonayo in uu kusoo baxo Agaasimihii Hore ee Hay’adda nisa Fahad Yaasiin.
Qoraal xalay lagu daabacay Bogga Facebook-ga ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal FEIT ayaa lagu faray Guddiga SEIT ee Hirshabeelle adkeynta qoraalkiii kasoo baxay Guddiga FEIT ee lagu hakiyey kursiga tirsigiisu yahay HOP#086.
Guddiga Hirgalinta doorashooyinka Heer federal ayaa sheegay in jabsaday mareegta Facebooga ee guddiga balse lagu guuleystay in dib loosoo celiyo.

