Guddiga  Doorashada Hirshabelle oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada 6 kursi

0

Guddiga Maamulka doorashada Hirshabelle SEIT ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baladweyn  ee Gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay  in doorashadda kuraastaan la qaban doono 20-ka bishaan.

Kuraasta la shaaciyay qabashada doorashadooda waxaa kamid ah kursiga HOP-086 uu sanadkaan doonayo agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadd Sugidda iyo sirdoonka qaranka Dowladda Soomaaliya Fahad Yaasiin, uu muddo ku fadhiyay Xildhibaan Faarax C/qaadiir oo dalka dibadiisa ku maqan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here