Galmudug oo Digniin u Dirtay Musharixiinta Ciidamadda Wata+Dhageyso

0

Maamulka Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa digniin u diray Musharixiinta Ciidamadda wata ee Magaaladda amnigeeda qalqalgalinaya.

Taliyaha Ciidamadda booliska Magaaladda Dhuusa-mareeb oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mobilo la dhacay ay sabab u noqdeen in magaaladda ay lagu dagaalamo.

Waxa uu sheegay in Galmudug aysan aqbali Karin in dagaal iyo dhibaato magaaladda laga kiciyo,islamarkaana amniga magaladda ay mas’uul ka yihiin ciidamadda booliska Galmudug.

Ugu dambeyntii wuxuu fariin u direy Laamaha amaanka Magaaladda Dhuusa-mareeb,wuxuuna ugu baaqay in amniga si buuxda loogu shaqeeyo.

Hadalka Taliyaha Ciidamadda booliska Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa imaanaya xili magaaladda xalay laga maqlay rasaas,waxaana iska hor imaad uu dhexmaray ciidamo kala taabacsan Siyaasiga Cabsiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdullaahi Kulane oo kamid ah Saraakiisha NISA.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here