Iska Hor imaad Dhexmaray Ciidamo Kala Taabacsan A.A.W iyo Kulane Jiis

0

Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan Musharixiin Xildhibaano raadinaya oo ku sugan Magaaladda DHuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa xalay ka dhacay Magaaladdaas.

Sida ay xaqiijiyeen dadka Magaaladda, iska hor imaadka ayaa yimid kadib isfaham waa soo kala dhexgalay labadda ciidan oo kala hoostaga Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo C/laahi Kulane oo kamid ah Saraakiisha Hay’adda NISA.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay magaaladda Dhuusa-mareeb ee Maamulka Galmudug.

Magaaladda ayaa waxaa ku sugan Ciidamo fara badan oo ilaalo u ah Musharixiinta ku sugan Magaaladda oo raadinaya Kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here