Al-shabaab oo Muqdisho Ku Dilay Seddax Ka Tirsan Saraakiisha Ciidanka Dowladda

0

Al-shabaab ayaa sheegay in Magaaladda Muqdisho ay ku dileen Saraakiil ka tirsanaa Ciidamadda Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab  ayaa degmada Hodon ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada melleteriga DF-ka kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Nuur waxayna darajadiisa ciidan aheyd 2 xidigle.

Dhanka kale dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa Degmadda Deyniile gaar ahaan xaafadda Raadaarke ku dilay Muuse Daahir Cabdi oo ahaa askari.

Sidoo kale sarkaal kale oo Dowladda ka Tirsanaa ayaa lagu dilay degmada Dharkeynleey waxaana sarkaalkaas magaciisa lagusoo gaabiyay Max’med Isxaaq.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here