Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Macalimuu oo Qarax Lala Eegtay

0

Qarax ayaa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay Agagaarka Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo uu fuliyay nin isku xirey waxyaabaha qarxa ayaa lala eegtay afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxa ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

“Qof naftii halige ayaa isku qarxiyey gaari u watay Afhayeene Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucallimuu oo marayay Agagaarka Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Booliska macadeynin xaaladda uu ku suganyahay Afhayeenka iyo sida ay wax u gaareen hase ahaatee Wixii faafaahin dheeraad ah ay warbaahinta la soo wadaagi doonaan,masawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ismidaaminta ka dhacay ayaa muujinaya bubur soo gaaray qeybta dambe ee gaariga Afhayeenka iyo Jirka Dhagarqabaha isku qarxiyay gaariga Afhayeenka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here