DF oo Ka Hadashay Hadalkii Kasoo Baxay Qaramadda Midoobay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warkii dhawaan kasoo baxay Qaramadda Midoobay ee ku aadanaa in Soomaaliya aysan bixin lacago deyn oo loogu leeyahay Qaramadda Midoobay.

Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa ka hadlay  sida ay ku timid lacagaha ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Waxa uu sheegay in lacagta laga rabo Soomaaliya oo dhan 1.4 milyan ay ka timid laga soo bilaabo 1989-kii illaa 2017-kii, isla-markaana intii u dhexeysay sanadahaasi ay uruurtay deynta haatan lagu leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaa noogu dambeysay inaan bixino 1989-kii marka lacagahan halka malyan iyo shanta boqol ku dhow waa 1990-kii illaa 2017-kii lacagihii isku teg-tegay,2018-kii illaa 2021-kii waan bixineynay lacagihii la’iska rabay sanad walba, Lacagta waa is bed-bedashaa laakiin qiyaastii waxay u dhexeysaa 35000 illaa 37000 sanadkii,” ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyntii Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay afartii sano ee la soo dhaafay bixineysay lacagta qaaraanka ah sanad walba, taas oo u dhexeyso qiyaastii 35,000 illaa 37,000 oo Dollar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here