Israsaaseyn Ka Dhacday Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya israsaaseyn u dhaxeysay Ciidamo kawada Tirsan kuwa Dowladda oo maanta ka dhacday Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Israsaaseynta ayaa u dhaxeysay ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska iyo kuwa Gor-gor ee saldhiga ku leh Degmadda Guriceel.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, israsaaseynta ayaa timid kadib markii taliyaha Booliiska Guriceel oo shalay ku laabtay Magaaladaas  uu amray in la xiro askarta gor-gor ee Magaalada ku daahda xiliga habeenkii ah.

Ciidamadda Booliska Degmadda ayaa xabsiga dhigay dhowr askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Gor-gor,waxaana arinkaas ka xumaaday Taliska Gor-gor ee ku sugan Degmadda Guriceel.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaaladda Guriceel ayaa ku waramaya in dagaalka Magaaalada ka dhacay uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmadda Guriceel oo loogu hadlaayo dagaalka Magaaladda ka dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here