Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysnaa oo kooxo hubeysnaa ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Warta-nabadda ee Gobolka banaadir,waxaana loo geystay Ismaaciil Max’med Aadan oo kamid ah ergooyinka soo xulay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka.
Rag hubeysnaa ayaa la sheegay ay ka dambeeyeen dilka,islamarkaana ay ka baxsadeen goobta dilka uu ka dhacay.
Sidoo kale rag hubaysan ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda iyagoona ka furtay hubkii uu watay.

