Golaha Watashiga Qaran oo La Kulmaya Midowga Musharixiinta

0

Shirka Golaha Watashiga Qaran ayaa maanta galaya maalintii 6-aad,waxayna madaxda maalmihii hore ay ka hadleen arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha taagan sidii loogu gudbi lahaa.

Golaha watashiga qaran ayaa maanta la kulmaya xubno ka socda Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaliya waxayna kala hadlayaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Kulanka Golaha Watashiga qaran iyo Midowga Musharixiinta ayaa la sheegay xubnaha midowga Musharixiinta laga dhageysan doono fikrado ku aadan arrimaha doorashooyinka.

Maalintii labaad Golaha Watashiga qaran ayaa la kulmay Wakiilo ka kala socda Musharixiinta, wakiilo ka socday Beesha Caalamka, Bulshada Rayidka iyo Haween u dooda qoondada Dumarka ee Baarlamaanka ayaa dhageystay soo jeedintooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here