Kenya oo Sheegtay Inay Fureyso Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliya

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dib u fureyso xudduudka ay la wadaagto Soomaaliya oo bilooyinkii dambe xirnaa.

Guddiga Amniga Qaranka Kenya ayaa diyaariyay qorshaha lagu furayo xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen ay ku sheegeen in muhiim ay tahay in xiligaan la furo xaduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa ay sheegeen in wali ay jirto khatarta dhanka Al-shabaab ee ku aadan in ay badeecado shar-cidarro ah dalkaasi soo galiyaan oo ay ka helaan dhaqaale.

Kenya ayaa dhawaan xirtay xudduudka ay la wadaagto Soomaaliya sababo la xiriira khatar ka imaanaysay dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here