DFS oo Ka Laabatay Go’aankii ay Ku Xirtay Terminal-ka Garoonka Aadan Cadde

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaliya ay ka laabatay go’aankii ay horay ugu xirtay terminal-ka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, oo ay adeegsadaan Hay’adaha Qaramada Midoobay, Ciidamada AMSIOM iyo safaaradaha reer Galbeedka.

Sida ay sheegayaan xogaha wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa soo saaray amarka dib loogu fasaxay isticmaalka terminal-ka MOVCON.

Go’aanka ayaa yimid kadib wada-hadallo dhexmaray Wasiirka Amniga iyo Diblumaasiyiinta ku sugan gudaha Xerada Xalane oo ka wada-hadlay xayiraadda la soo rogay.

Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda duulista rayidka ayaa xaqiijiyey in la fasaxay terminalka, isla-markaana uu haatan sidii hore u shaqeynayo.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Maareeye ku-xigeenka Garoonka Aadan Cadde, ayaa lagu shaaciyay in la xiray Terminal-ka Movcon, ee Garoonka, kaasoo si gaar ah u isticmaali jireen diyaaradaha AMISOM, UN-ka iyo Safaaradaha ajnabiga, ee deganka Muqdisho.

Cayduruus Axmed Kaahiye, oo ah Maareeye ku-xigeenka Garoonka ayaa ku sheegay warqadda uu 23-ka bishan saxiixay, balse la shaaciyay Jimcihii Shalay, Dec 24 in go’aankan uu ka yimid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, mana uusan xusin sababta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here