Heshiis Horudhac ah oo Laga Gaaray Arintii Magaaladda Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in heshiis horudhac ah laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxtooyadda Maamulka Puntland iyo hogaankii Ciidamadda PSF ee xilka laga qaaday.

Qaar kamid ah Isimadda Puntland iyo mas’uuliyiin hore oo Magaaldada Boosaaso u joogay xalinta khilaafka labada dhinac ee PSF iyo Maamulka ayaa sheegay in inta badan la xaliyay wixii sababay dagaalka Magaaladda boosaaso,islamarkaana ay harsan yihiin arrimo farsamo.

Waxa ay sheegeen in ay la kulmeen agaasimihii xilka laga qaaday uuna ka aqbalay in wax kasta oo jira lagu xaliyo miiska wada-hadalka, islamarkaana xabad dambe aysan dib kaga dhicin Magaaladda Boosaaso.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa dhankiisa dhawaan aqbalay xabad joojin wuxuuna sheegay in ay jawaab ka sugayaan Isimada Puntland iyo mas’uuliyiin hore.

Magaaladda Boosaaso ayaa waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Maamulka puntland iyo kuwa PSF,wuxuuna dagaalka yimid kadib markii xilka laga qaaday Agaasimihii Hay’adda PSF Maxamuud Cusmaan Diyaano.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here