Booliska Soomaaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Guri Lagu Beeray Xashiish

0

 

Taliska Booliska Soomaaliyeed ee Degmada Howlwadaag ayaa gacanta Ku dhigay Guri Lagu Beeray Xashiish iyo Dadkii ku Lugta Lahaa.

Ciidamadda booliska Saldhiga Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa la wareegay guriga ku yaala Degmadaas ee Lagu Beeray Xashiish-ka.

Shacab ku nool Degmaddda Holwadaag gaar ahaan  xaafadda Tookiyo ayaa laamaha amaanka Degmadda ku wargaliyay xogta ku aadan guriga Lagu Beeray Xashiish-ka iyo Dadkii ku Lugta Lahaa.

Taliyaha Saldhigga Booliska Dagmada Howlwadaag Najiib Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada Booliska oo qaaday howlgal qorsheeysan ay gacanta ku dhigiin Beer lagu tallaalay dhirta Xashiishadda nooca ugu qatarsan ee Murjawaanaha iyo Haamo lagu farsameynayay Calaqa iyo dadkii ku howlanaa.

“ Ciidamada ayaa gacan ka helay bulshada deegaanka waxayna taasi suuragalisay in gacanta aan ku soo dhigno waxyaabaha Maanka dooriya iyo Dhirta Xashiishka oo lagu beeray mid kamid ah dhismayaasha Xaafadda Tookiyo iyo Caagado lagu karkarinayay Maandooriyaha Calaqa” ayuu yiri taliye Najiib Carab.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay dadweynaha ku nool dagmada Howlwadaag oo marwalba lasoo wadaago ciidanka booliska xogta qatarta ku ah amaniga iyo bulshada deegaanka, taas oo boolisku har iyo habeenba u taaganyahay in ka badabaadiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here