Dowladda Kenya ayaa ka hadashay khasaaraha ka dhashay qarax lala eegtay Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Booliska dalkaas.
Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay deegaanka Milihoi ee duleedka degmada Hindi, gobolka Lamu ee dhaca xeebta dalka Kenya.
War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in qarax miino uu haleelay gaari dagaal ay la socdeen saraakiil ka Tirsan Booliska Kenya xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Milihoi ee duleedka degmada Hindi.
Weerarkan waxaa ku dhintay 4 ka tirsan saraakiisha ciidamada Booliska ee loo yaqaan GSU, sida ay daabacday warbaahinta maxalliga Kenya.
Ciidamada weerarka lakulmay ayaa ka yimid magaalada Mpeketoni waxayna kusii jeedeen deegaanka Gamba ee gobolka Lamu.
Dhanka kale War war ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa ka dhacay deegaanka Milihoi lagu dilay afar sarkaal,sidoo kalana uu gudtay gaarigii ay la socdeen.

