Faahfaahino :- Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose

0

Wararka ka imaanaya gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacado ka hor dagaal xoogan uu ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka jubbada hoose.

dagaalkaan oo ahaa mid culus ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka hoosingow ee gobolka jubbada hoose ,waxaana uu dagaalku u dhexeeyay xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab iyo ciidamada kenya.

wararka ayaa sheegaya in dagaalkaan uu yimid kadib markii xubno ka tirsan alshabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ciidamada kenya ku lahaayeen deegaanka hoosingow

waxaana halkaasi ka dhacay dagaal iska hor,imaad ah oo saacado badan qaatay kaasi oo dhexmaray ciidamada kenya iyo kuwa alshabaab.

ilo deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo jugta culus ee dagaalka balse aysan xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay dagaalkaani.

alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaan,waxaana wararka ay ku baahiyaan dhinaca barahooda intarneetka ku sheegteen in qasaaro culus ay ku gaarsiiyeen dagaalkaan ciidamada kenya.

alshabaab ma aysan si rasmi ah uma aysan tirakoobin qasaaraha balse waxa ay sheegeen in uu qasaaro jiro.

dhankale wali majiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka kenya  oo looga hadlayo weerarkaan alshabaab ay sheegeen in qasaaro ay ku gaarsiiyeen ciidamada  kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here