Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Dad Badan Lagu Soo Qabtay Ka Fuliyay Muqdisho

0

Ciidamada amaanka Degmada kaaraan ayaa saacadiihii lasoo dhaafay howlgalo balaaran ka sameeyay xaafadaha ay ka koobantahay degmadaasi.

Howlagaladaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ujeedkoodu uu ahaa xaqiijinta amaanka degmada oo muddoyihiinka dambe ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah.

saraakiisha ciidamada dowladda ee howlagaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in howlagadaan ay usameeyeen kadib cabasho xoogan oo uga timid dad shacabka ah ee ku dhaqan degmada kaaraan.

waxaana ay sheegeen in howlgalkani ay ahaayeen kuwa ka dhanka ah kooxo dhalinyaro ah oo dadka shacabka ah dhac ugeysta islamarkaasna ka furta mobilada iyo agabyada kale ee ay wataan.

saraakiisha ayaa intaasi ku daray in sidoo kale howlgalka lagu beegsanayay koox ciiyaal weero ah oo dadka nafta u keenay

intii ay howlagaladani socdeen ayaa waxa la sheegay in ciidamada booliska degmada kaaraan ay gacanta kusoo dhigeen rag u badnaa dhalinyaro kuraas oo haatan baaritaano kala duwan lagu wado.

ugu dambeyn saraakiisha ayaa sheegay inhowlgalka sidii loogu talagalay uu dhacay rag badan oo burcad ahna gacanta lagu soo dhigay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here