Ciidamada Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa saacadiihii lasoo dhaafay howlgalo balaaran ka fuliyay deegaano hoostaga degmada marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.
Howlgaladaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ka dhan ah oo kooxo dhac xiliyada habeenkii ah ka geysta qeybo ka mid ah deegaano dhowr ah oo dhaca gobolka shabeelaha hoose
Waxaana lagu soo waramayaa intii howlgaladu socdeen ay ka dhasheen qasaaro islamarkaasna ay ciidanka dowladdu soo qabqabteen rag badan oo hubeysan.
guddoomiyihii hore ee Degmada marka maxamed cisman yariisow oo la hadalay idaacada simba ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgaladaan iyo qasaaraha ka dhashay.
waxaana uu sheegay in howlagaladaan ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen deegaanka lambar50 ee gobolka shabeelaha hoose islamarkaasna waxa uu tilmaamay in ujeedka howlgalo uu ahaa la dagaalanka kooxaha hubka sharciadara ah kuwata deegaanka iyo ka hortaga falalka amni daro.
Guddoomiye yariisow ayaa ayaa sheegay in howlgalkaan intii uu socday uu khasaare ka dhashay oo uu ku geeriyoodayl askari ka tirsanaa ciidamada dowladda
sidookale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay howlgalada ay kusoo qabteen ku dhawaan 10 nin oo hub sharcidaro ah ku watay deegaanka.

