Puntland oo Mar Kale Sheegtay in Xalka uu Ku Jiro in Xilka Wareejiyo Agaasimihii PSF

0

Maamulka Puntland ayaa mar kale ku celiyay in xalka Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari uu ku jiro in uu xilka wareejiyo agaasimaha Hay’adda PSF Puntland Maxamuud Cusmaan Diyaano.

Qoraal lagu baahiyay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Hogaankii xilka laga qaaday ay wali wadaan dagaalka ayna Magaaladda ku garaacayaan Hoobiyayaal.

“Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed waxaa mar wal ba ka go’an illaalinta dowladnimada ku dhisan sareynta sharciga. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo.

Haddaba, si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, Dowladduna waxay qaadaysaa wixii tillaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here