Al-shabaab oo Gowracay Gudoomiye Manuur Sheekh Yuusuf

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in halkaas lagu dilay guddoomiyihii maxkamadda degmada Buurhakaba ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa Gudoomiyaha oo lagu magacaabi jirey Manuur Sheekh Yuusuf kala baxay hoygiisa,waxayna ku gowraceen meel ku dhow hoygiisa,waxayna u geystaan jirdil.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilka loo geystay mas’uulkaka tirsanaa Maamulka koonfur galbeed Somaaliya.

“Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Manuur Sheekh Yuusuf oo ahaa guddoomiyihii maxkamadda degmada Buurhakaba, Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay warbaahinta Shabaab.

Dhanka kale Ma jiro wax war ah oo kasoobaxay Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya oo loogu hadlaayo dilka loo geystay Gudoomiyaha oo lagu magacaabi jirey Manuur Sheekh Yuusuf.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here