Wararka ka imaanaya Magalaadda Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland,ayaa ku waramaya in gacan hadal uu dhexmaray xildhibanao ka Tirsan Golaha wakiiladda Maamulkaas.
Xildhibaanadda gacan ka hadalka uu dhexmaray ayaa kala ah kuwa Muxaafadka iyo kuwa Mucaaarka ee kawada midka ah Golaha wakiiladda Maamulka Somaliland.
Kulan ay maanta lahaayeen Xildhibaanada ayaa waxaa soo kala dhexgalay buuq kaasi oo keenay in kulanka uu hakad galo,islamarkaana xildhibaanadda ay banaanka usoo wada baxaan.
Muuqaallo ay heshay warbaahinta ayaa la arkayey laba xildhibaan oo is feeraya, isla-markaana ay kala qabanayaan qaar kale oo ka mid ah xubnaha golaha wakiilada.
Ugu dambeyntii ciidamadda amaanka maamulka Somaliland ayaa kala dhexgalay Xildhibaanadda gacan ka hadalka uu dhexmaraya,waxaana lagu guuleystay in la xaliyo arinta.

