Al-shaabab oo La Wareegay Degmada Matabaan ee Hiiraan

0

Al-shabaab ayaa la wareegay goordhaweyd gacan ku haynta deegaannada Bacda iyo Beergadiid oo hoos taga degmada Matabaan.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka hiiraan, dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa gudaha u galay Degmadda, oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen ciidamadda Dowladda iyo kuwa Hir-shabeelle.

Sida lagu daabacay warbaahinta Shabaab,dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa gudaha u galay degmadda,ma jirin wax dagaal ah oo Degmadda ka dhacay.

“Al-shaabab ayaa gudaha ugalay labada deegaan mana dhicin wax iska hor’imaadyo ah, maleeshiyaad daacad u ahaa maamulka ‘Hirshabelle’ ayaa isaga firxaday deegaannada Bacda iyo Beergadiid.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Hir-shabeelle oo loogu hadlaayo la wareegitaanka Al-Shabaab ee Degmadda Matabaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here