Maamulka Deegaanka janaale Ee Shabeellaha Hoose ayaa Guddi Baaraya usaaray Gabar Saacado ka hor kufsi loogu geeystay deegaankaasi una geeriyootay
Guddoomiyaha Deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Yuusuf cabdi nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay kiiskaan iyo waxa uu maamulku ka ogyahay ,waxaana uu sheegay in warar kala duwan oo is qilaafsan la sheegayo kiiska marxuumad Sahro Cali Maxamuud
Guddoomiyaha Janaale ayaa sheegay in dadku qaar ay sheegayaan in gabadha la kufsaday halka kuwa kalana uu tilmamaay Guddoomiyuhu in ay sheegayaan in gabadhu sun cabtay
Waxaana uu sheegay in haatan baaritaano dheeraad ah ay ku sameeynayaan xaqiiqada dhabta ahana ay soo ogaanayaan isagoo xusay in guddiyada baara kiiskaan ay usaareen si Caladaalad ay u hesho gabadhaasi
Dhankale Guddoomiyaha Deegaanka Janaale ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaskii iyo eheladii ay ka baxday narxuumad zahra
Shalay ayay aheyd markii ay soo ifbaxaday dhacdo naxdin badan leh oo sheegaysa in in ka badan 10 nin ay haweeneey ku kufsadeen deegaanka janaale ugu dambeeyna ay ugeeriyootay waxyeelo ka soo gaartay walow warkaasi aan wali xaqiiqo loo helin oovku aadan in gabdha la kufsaday iyo in kale

