Cumar CabdiRashiid Oo Arimaha Doorashooyinka Kala hadlay Rooble

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Masuuliyiin kale ayaa xalay la kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Cumar cabdirashiid oo uu wehliyo wasiirkii qorsheynta xili Ra’iisul Wasaare Camar cabdirashiid wasiir Ceynte

Masuuliyiin ayaa ka wada hadlay arimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka dalka kasocota iyadoona laisla qaatay in doorashada laga dhigo mid hufan

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitterka ayaa waxa uu faahfaahin uga bixiyay Kulankaan ay la qaateen Ra’iisul Wasaare Rooble

Waxaana uu sheegay in ay kala hadleen arimaha doorashooyinka iyo siidii mugmudiga looga saari lahaa islamarkaasna ay kala hadleen in doorashada tartan laga dhigo meeshana laga saaro  walaaca iyo dhaliisha la qabo

Dhankiisa wasiir ceynte ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa intarneetka ku sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ka dalbadeen in doorashada laga dhigo mid hufan

Kulankaan ayaa imaanaya xili wali walaac xoogan laga qabo doorashada aqalka hoose islamarkaasna la codsanayay in isbadal lagu sameeyo qaabka ay doorashadu usocoto

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here