Ciidamada Dowladda Oo Gacanta Ku Dhigay Burcad Dhac Ka Geysanayay Muqdisho

0

Ciidamada Amaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xalay Gacanta ku Dhigeen Koox Burcad ah oo Dhac ka Geysanayay xaafadaha qaar ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciidamada Dowladda ayaa soo Bandhigay sadax nin oo burcad ah kuwaasi oo lagu qabtay xaafada Oodweyne ee Degmada Deyniile

Wararka ayaa sheegaya in kooxdan butcada ah ee Ciidamada Dowladdu gacanta ku dhigeen ay ku hubeysnaayeen  Bastoolado aan run aheyn oo  Caag ah iyo Tooreeyeeyo.

Sidookale Burcadu waxa ay wateen mootada sadaxda lugleh ee Bajajta loo yaqaano

Ragaan ayaa la sheegay in xiliga la qabanayay ay dhac ugeysanayeen dadka shacabka ah ee ku nool xaafada oodweyne islamarkaasna ay ka furanayeen Moobilada iyo Agabyada kale ee ay wataan.

Maalmihii Dambe waxa Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir kusoo badanayay kooxaha burcada ah ee dhaca iyo dilka ka geysta magaalada Muqdisho

Laamaha Amniga Dowladda ayaa dhankooda Maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah burcada dhaca ugeysta dadka shacabka ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here