Xili Todobaadyadii lasoo dhaafay ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in faragalin qaawan lagu hayo Doorashada Aqalka Hoose Ee dhawaan dalka ka bilaabatay ayaa waxa madaxda dalka looga digay in ay isku dayaan faragalinta Doorashada Golaha shacab ee ka dhaceysa deegaanada jubbaland.
Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada jubbaland ayaa qaba in loo baahanayahay in laga hortago musuqmaasuqa ay ku bilaabatay doorashadu iyadoona loogu baaqay Madaxda Dowladda ee waqtigoodu dhamaaday in ay fara kala baxaan doorashada oo ay ka dhigan mid hufan.
Guddoomiyihii hore Ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo wareysi gaar ah siiyay idaacada simba ayaa waxa uu ka hadlay arimaha doorashooyinka dalka ka soconaya
Waxaana uu sheegay in ay ka warqabaan boobka xoogan ee lagu hayo kuraasta Doorashada Golaha Shacabka ee Barlamaanka cusub ee dalku uu yeelanayo
Macalimuu ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay doorashadu ku socoto
Waxaana uu madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu uga digay in uu soo fara galiyo doorashadu Golaha Shacabka ee Deegaanada jubbaland
Hadalka macalimuu ayaavimaanaya xili ay isisoo tarayaan walaaca xoogan iyo dhaliisha aan wanaagsan ee loo jeedinayo Doorashada Golaha Shacabka oo si dardarleh

