Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane FEI Shengchao, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo wax-wada-qabsiga labada dal.
Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha, iyo sidii Labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta iyo dhaqaalaha si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.
Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha kaalinta ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Safiirka shiiranaha ufadhiya Soomaaliya ayaa dhankisa sheegay in Dowladda shiinuhu ay saaxiib dhawlatahay Soomaaliya islamarkaasna ay doonayaan haatan in lasii adkeeyo
Masuuliyiinta Dowladda ayaa ugu mahadceliyay sida ay u qaabileen isagoo sheegay in tahay ay muujinayo wax wada qabsi dhab ah

