Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saacado ka hor gaaray dalka qadar ayaa waxa lagu wada in maanta halkaasi ka bilaabo kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo masuuliyiin ugu sareysa dalkaasi
Si gaar ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maantay ula kulamaya Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiin bin xaamid Athaanii
Labada Masuul ayaa waxa ay ka wada hadlayaan sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo qadar iyo sidii laiskaga hormarin lahaa Ciyaaraha
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka qadar utagay ka qeyb galka furitaanka koobka carab kaab oo ka furmaya Daalkaasi
Waxaana madaxweynuhu uu shalay u ambabaxay wadanka qadar markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka dalka qadar
Sidookale waxa la filayaa in inta uu Madaxweyne Farmaajo kusuganyahay dalka uu kulamo doceedyo la qaato madax kale ee carbeed kuwaas oo lagu casuumay Furitaanka Tartankaan

