Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani ayaa waxa uu kulan albaabdu u xiranyihiin la qaatay dhigiisa Madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe
Kulankaan ayaa waxa uu ahaa mid horaca ah waxaana laba hogaamiye ay uga wada hadleen arimaha Doorashooyinka Dalka Ka soconaya
Warar hoose oo kulankaan laga helay ayaa waxa ay sheegayaan in labada Masuul ay si gaar ah uga wada hadleen bilaabida Doorashada Aqalka Hoose oo dhawaan dalka ka bilaabatay
Labada Madaxwayne ayaa waxa la sheegay in ay isla qaateen in dhankooda ay dib udhigaan bilaabida doorashada golaha shacabka si ay u qiimeeyaan sida maamulada kale ay ku bilaabaan Doorashadaasi
Madaxweyne saciid Cabdulaahi Dani ayaa rajaweyn ka qaba doorashada ka dhaceysa waxaa uu doonayaa in dhawaan uu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisii Doorashada Madaxtinimo ee dalka Ka Dhacaysa

