Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu shalay Magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa wqxa jiray warar laisla dhamarayay kuwaasi oo sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu halkaasi utagay sidii uu wada hadal ula furilahaa kooxda ahlusuna balse warkaasi waxa been abuurku tilmaantay Xukuumadda Soomaaliya
Wasiir Ku-xigeenka wasaarada warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan yuusuf alcadaala oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa waxa uu sheegay in qorshaha Ra’iisul Wasaaruhu utagay Magaalada Dhuusa-Mareeb aysan ku jirin xalinta arinta ahlusuna ama in uuna wada hadal la furo
Alcadaala ayaa waxa uu xusay in Ra’iisul Wasaaraha safarkiisu uu ku qotomo arimaha doorashooyinka iyo bilaabida doorashada Golaha Shacabka ee dhanka maamul goboleedyda dalka
Waxaana uu biya qabow ku shubay wararka sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu maamulka galmudug ku qancinayo in ay wada hadal la furtaan kooxda ahlusuna oo salka dhigtay deegaanka Bohol
Hadalka Wasiir alcadaala ayaa waxa uu imaanayaa xili Ra’iisul Wasaare Rooble oo xalay kulamo ka waday Magaalada Dhuusa-Mareeb kulamadaasi oo uu laqaatay madaxweynaha Galmudug iyo odayaasha Dhaqanka Galgaduud

