Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Garoowe

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Saciid Cabdulaahi Dani ayaa waxa uu kulan albaabdu u xiranyihiin la qaatay dhigiisa Madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe

Kulankaan ayaa waxa uu ahaa mid horaca ah waxaana laba hogaamiye ay uga wada hadleen arimaha Doorashooyinka Dalka Ka soconaya

Warar hoose oo kulankaan laga helay ayaa waxa ay sheegayaan in labada Masuul ay si gaar ah uga wada hadleen bilaabida Doorashada Aqalka Hoose oo dhawaan dalka ka bilaabatay

Labada Madaxwayne ayaa waxa la sheegay in ay isla qaateen in dhankooda ay dib udhigaan bilaabida doorashada golaha shacabka si ay u qiimeeyaan sida maamulada kale ay ku bilaabaan Doorashadaasi

Madaxweyne saciid Cabdulaahi Dani ayaa  rajaweyn ka qaba doorashada ka dhaceysa waxaa uu doonayaa in dhawaan uu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisii Doorashada Madaxtinimo ee  dalka Ka Dhacaysa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here