Galmudug Oo Sheegay In Al-Shabaab ay ka saarayso Deegaanadeeda

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Oo xalay si rasmi ah u Daahfuray Hanaanka Daadejinta Adeegyada Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa waxa uu halkaasi ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay qeyb weyn ka tahay Sharciyeenta  deegaanada Galmudug iyo Amniga iyo Xasiloonida

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay in dhawaan si buuxda uga hirgali doona deegaanada Galmudug Gole deegaan

Dhankale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa uu sheegay sheegay in Al-Shabaab sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga saarayaan deegaanada Galmudug

Madaxweyne qoor qoor ayaa ku faananay in inta badan deegaanada Galmudug ay maamulka Gacantiisa ku jiraan kuwa yar ee maqana ay soo celinayaan

Waxaana uu sheegay in deegaan walba ay usameenayaan Gole deegaan oo dhisan

Madaxweynaha Galmudug ayaa xusay in tani ay qeyb ka qaadanayso amniga iyo xasiloonada

Waxaana ugu dambeeyn uu sheegay in shacabka loo baahanahay in Ciidamada amaanka ay garabkusiiyaan sugida amniga  taasi oo uu sheegay in kor ay uqaadeyso in nabad lagu wada noolaado

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xili Al-Shabaab ay kaabiga ku hayaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Galmudug

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here