Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Qeybta Puntland ayaa waxa ay sheegeen in Howlgalo balaaran oo ay xalay ka fuliyeen xaafada garsoor ay gacanta kusoo dhigeen Shabakad ku caan ah ka Ganacsiga Maandooriyaha Qamriga
Shacabakadaan ayaa waxa ay sheegeen inay ka koobnaayeen sadax ruux oo uu ku jiro hogaamiyihii shabakada
Waxaana ay sheegeen in ay xabsiga utaxaabeen si baaritaano dheeriya ah loogu sameeyo ragaani
Saraakiisha ciidanka booliska Puntland ayaa shaaca ka qaaday in shabakadaan ay in muddo ah ku raad joogeen islamarkaasna ay xay usuugta gadhay in ay gacanta ku dhigaan iyaga iyo hubkooda
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in shacabkadu ay kaliya sadaxdaan qof aheyn ee ay jiraan shaqsiyaad kale oo maqann kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku raadjoogaan dhawaana ay rajeynayaan in ay gacanta kusoo dhigaan
Dhawaan ayay heyd markii ciiddan Puntland ay gacanta ku dhigeen gaawaari iyo dad si daani oo kale uga ganacsanaya Khamriga
Waxaana xusid mudan in maamulka Puntland uu si gaar ah ugu soo jeestay la dagaalanka maanriyaha gaar ahaana Khamriga iyadoona la sameeyay ciidamo gaar ah oo kaliya shaqadoodu tahay soo qabashada dad ka ganacsada maandooriha

