Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Oo xalay si rasmi ah u Daahfuray Hanaanka Daadejinta Adeegyada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa uu halkaasi ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay qeyb weyn ka tahay Sharciyeenta deegaanada Galmudug iyo Amniga iyo Xasiloonida
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay in dhawaan si buuxda uga hirgali doona deegaanada Galmudug Gole deegaan
Dhankale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa uu sheegay sheegay in Al-Shabaab sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga saarayaan deegaanada Galmudug
Madaxweyne qoor qoor ayaa ku faananay in inta badan deegaanada Galmudug ay maamulka Gacantiisa ku jiraan kuwa yar ee maqana ay soo celinayaan
Waxaana uu sheegay in deegaan walba ay usameenayaan Gole deegaan oo dhisan
Madaxweynaha Galmudug ayaa xusay in tani ay qeyb ka qaadanayso amniga iyo xasiloonada
Waxaana ugu dambeeyn uu sheegay in shacabka loo baahanahay in Ciidamada amaanka ay garabkusiiyaan sugida amniga taasi oo uu sheegay in kor ay uqaadeyso in nabad lagu wada noolaado
Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xili Al-Shabaab ay kaabiga ku hayaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Galmudug

