Warar dheeraad ah ayaa waxa kasoo baxaya weeraro culus oo isugu jira dagaal toos ah iyo mid qarax ah oo saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Jannaale iyo deegaanka Bariire oo ka wada tirsan Gobolka Sh/hoose.
Weerarka hore ayaa waxa la sheegay in uu ahaa qarax lala beegsaday Ciidamada Dowlada oo sugnaa degaanka Jannaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa
Waxaana ay sheegeen in Qaraxa oo ahaa mid xooggan uu haleelay Ciidamo ka tirsan dowladda xilli ay roondo ku jireen
Al-Shabaab wwarka kasoo baxaya ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dileen 2 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda.
Weerarka labaad ayaa waxa uu ka dhacay saldhiga ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Bariire Gobolka Sh/hoose waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

