Odayaasha Dhaqanka Hiiraan Oo Kasoo Horjeeystay Hadal Kasoo Yeeray Cali Guudlaawe

0

Iyadoo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Cali Cabdulahi Xuseen Cali Guudlaawe uu saacado ka hor ku dhawaaqay in maamulka hirshabeele uu wada hadalo lafuro doono dadka kasoo horjeeda ayaa waxaa warkaasi durbadiiba Gaashaanaka udaruuray oo diiday odayaasha dhaqanka reer hiiraan

Qaar mid ah xubnaha Reer hiiraan ee kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeele ee uu hogaaminyo madaxweyne Cali guudlaawe ayaa waxa ay sheegeen in uusan jirin wax wada hadal ah oo ay la galayaan Maamulka Hirshabeele

Mid ka mid Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in hadal ka kasoo yeeray madaxweynaha Hirshabeele uu yahay mid afka kaliya ah oo aysan jirin wax dadaal ah oo uu ku bixiyay Xalinta tabashada ay qabaan dadka reer hiiran

Waxaana uu si cad u sheeegay in khilaafka ka dhex jira Hirshabeele lagu xalinkaro kaliya in Dowladdu soo dhexgasho

Dhankale oday dhaqadeedka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Madaxda dowladda faderaalka ah ugu baaqay in ay si deg deg ah kusoo dhex galaan Khilaafka ka taagaan Deegaanada Hirshabeele

Hadalka Odayaasha Dhaqanka Hiiraan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili xalay madaxweynaha Hirshabeele oo qeyb galayay maunaasabada sanadguurada Maamulka Hirshabeele uu sheegay in wada hadal uu la furayo dadka reer hiiran oo si aad uga soo hojeeda Maamulkiisa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here